U bood dhigaalka

Madaxweyne Ruto oo Afrika Ugu Baaqay Iney Yeeshaan Suuq Furan oo Ganacsi oo Bilaa Shuruud ah

Madaxweynaha Wadanka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dalkiisa uu sanadkaan muwaadiniinta Afrika ay fiiso la’aan ama dal-ku-gal iyaga oo aan heysan ay soo gali karaan Kenya. Madaxweynaha ayaa arrintaan ka sheegay shir uu uga qeybgalay dalka Congo, kaasoo looga hadlayay ilalada deeganka.

Midowga Afrika (AU) ayaa in muddo ah waday hadafka ah fududaynta socdaalka bilaa fiisaha ah ee Qaaradda dhexdeeda, in kasta oo ay jireen heshiisyo heer Gobol ah iyo qabanqaabo laba geesood ah, horumarka laga gaaray socdaalka aan xadidneyn ayaa muddooyinkaan ka socday Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Ruto ayaa fariintaan u diray Madaxda Afrika. “Waxaa la joogaa waqtigii aan ogaan lahayn muhiimadda ay leedahay in aan dhexdeena ka ganacsano oo aan u ogolaano badeecadaha, adeegyada, dadka iyo fikradaha in ay si xor ah ugu gudbaan qaaradda,” ayuu yiri xilli uu ka hadlayay ganacsiga Afrika.

Madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale soo hadalqaaday guulaha ganacsiga wadamada Bariga Afrika ay ka gaareen isdhexgalka, taas oo uu tilmaamay kuna micneeyay in sababa u tahay in ganacsiga ka dhexeeya wadamada Bariga Afrika ka saarista shuruudaha fiisaha iyo tacriifadaha oo adkeyn karta iskusocdka.

Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa sheegay in la joogo waqtigii Afrika ay noqon laheyd mid isku furan, isaga markale yiri, Haddii Afrikaanka laga xiro irdaha Yurub, annagan aan ka xirno irdaha Afrika dhammaanteen waan khasaarnaynaa” taas uu kala jeeday in Afrika ay noqoto dalal isku furan.

Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Galbeedka (ECOWAS) ayaa ah kuwa maanta leh isku socodka ganacsi furan oo aan shuruud laheyn. Afrika ayaa hadda qorsheynaysa ganacsi furan oo ka dhexeeya qaaradda oo dhan, taas oo keeni karta koboca dhaqaalaha inuu noqdo mid aad u sarreeya.