U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Wafti Saraakiil Boliiska ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo lagu soo dhoweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanla Sarre Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Wahaab (Anwar).

Safarka ayaa daarnaa iskaashi iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dheexeeya Boliiska Turkiga iyo kan Soomaaliya, waxaana Taliyaha iyo waftigiisa kusoo dhoweeyay xarunta Taliska Dhexe ee Booliska Turkiga dhigiisa Sareeye Guut. Dr. Salmi Altinok.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona sidii sare loogu qaadi lahaa loona tayeeyn lahaa xirfadaha Boliiska, kordhinta tirada iyo tayada Ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo ay taakuleeyso xarunta Ožil Harakat oo qayb ka ah Boliiska gaarka ee Turkiga.