U bood dhigaalka

Dowladaha Sucuudiga iyo Soomaliya oo Kala Sixiixday Heshiis Dhanka Amniga ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga, taas oo xoojineysa xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood sidoo kale ka dhiseysa dadaal wadajir ah oo dhanka amniga ah, kadib shirarkii madaxweynaha dalka uga qeyb galay Riyaad.


Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya, halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga uu u sixiixay wasiir Faisal bin Farhan Al Saud,Al Sacuud.


Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal galeen, xilli Boqortooyada Sucuudiga ay qeyb ka tahay dowladaha sida gaarka ah u taageera dalka Soomaaliya.


Magaalada Riyaad ee daka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaa dhowaan ka dhacay shir Maalgashiga Soomaaliya iyo Sucuudiga, kaas oo madaxweyaha dalka uu kusoo bandhigay fursadaha ka banana hadda Soomaaliya, kuwaas oo u baahan maalgalin caalami ah sida uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka.


Xiriirka Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo wanaagsanaanayay tan iyo markii xukunka dalka markale uu kusoo laabatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Sucuudiga ayaa qeyb ka ah dalalka carbeed ee loo iibgeeyo xoolaha laga qaado Soomalaiya oo sanad walba taga.