U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Xamse oo Dhiirigeliyay Ugu Tagay Ciidanka Xasilyay Caasimadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Police Militaire) ee taliskoodu yahay xerada Hiilweyne ee duleedka magalada Muqdisho.

Mudane Xamse Barre Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban, ka dhigay caasimad la mid ah kuwa caalamka, taas oo suurtogal ka dhigtay in isbedel weyn laga dareemo ammaanka Muqdisho, iyaga oo hoos u dhigay falal amniga kasoo horjeeday oo dhacayay sida Ciyaalweeradii iyo dhaca shacabka oo joogto ahaa.

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa.

Kormeerkan oo ay ku wehliyeey saraakiil sare oo Dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ah ayaa sidoo kale looga hadlay dardargdlinta amniga iyo arrimo kale.