U bood dhigaalka

Shirka Guddiga Amniga Qaranka ee Madaxweyne Guddoomiyay oo looga hadlay Howlgallada iyo Arrimo kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shirka guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigeliyey ciidamada Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana hoosta laga xariiqay abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyay kasoo qeybgalayaasha ahmiyadda dhameystirka gulufka Soomaaliya looga saarayo Shabaab, laguna adkaynayo qarannimada.