U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada XFS oo Kulan Degdeg ah ka yeeshay Amniga, Gurmadka Fatahaadaha iyo Arrimo Kale

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa habeennimadii Axaddii kulan degdeg ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay hindise sharciyeedyo, amniga, fatahaadaha iyo arrimo kale.

Golaha ayaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo gudbisay wasaarrada arrimaha gudaha.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa ayaa sidoo kale looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka oo siweyn u saameeyay.


Shirka golaha wasiirrada ay isugu yimaadeen ayaa kusoo aadaya xilli dalka intiisa badan ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad ku rogmaday magaalooyinka qaar, waxaana hadda socda gurmad la isku dayayo in lagu samatabixiyo shacabka go’doonka ku jira xilligaan.