U bood dhigaalka

UK oo Boqol Milyan oo Doollar Ku Bixinaysa Horumarinta Soomaaliya Kadib Booqashadii Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho kujooga dalka Ingiriis ah ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak iyada oo laga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumar xalwaara ah, wax kaqabashada abaaraha iyo fatahaadaha iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Ladagaalanka Shabaab, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo Alshabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo London u jooga ka qeybgalka shirka aalamiga ah ee cunta yarida iyo aafooyinka keena.