U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaalada Garoowe kadib Cabsii Axaddii?

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta xaaladdu ay tahay mid degan, kadib markii shalay qeyb kamid ah xaafadaha magaalada ay isaga barakaceen bulshada, iyaga oo ka cabsi qaba in lagu dagaalamo.

Xaaladda cakiran ee ka taagan magalada ayaa waxaa sabab u ahaa in saamileyda siyaaddu ay isku mariwaayeen doorashada iyo nuuca ay noqonayso, xilli madaxweyne Saciid Deni uu sheegay in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay ka qabanayaan Puntland, taas uu mucaaradku diidan yahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maanta dib u dhac uu ku yimid kulan ay lahaayeen golaha wakiillada maamulkaasi, kaas oo qorshuhu ahaa in looga doodo isbedel lagu sameeyo dastuurka maamulka, kaas oo xubnaha mucaaradku si weyn kaga hor yimaadeen.

Dhanka kale waxaa socda dadaallo lagu xalinayo khilaafka ba’an ee hareeyay doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda kuwaas oo ay wadaan madax dhaqameedka, iyada oo maanta la filayo in ay Garoowe gaaraan odayaal dhaqameed ka socda Sool iyo Sanaag.

Puntland ayaa la filayaa in ay doorashooyin ka dhacaan January iyaga oo qaabka ay isku mari la’yihiin maamulka hadda jira iyo mucaaradka.