U bood dhigaalka

London: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay in Soomaaliya Wajahayso Furimo Dagaal oo Dhowr ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London uga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka Dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab, aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan ahaa faahfaahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo Al-shabaab taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal seddex jiho ah: dagaal militari, dagaal dhaqaale Iyo mid fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta.

Dhanka kale, waxaa uu Madaxweynaha dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga saarayo ayaa tilmaamay in kabadan 80 deegaan oo ay dalka ka maamulayeen lagu guuleystay in laga saaro oo maanta xor yahiin ka yihiin sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka dalka.

Mar uu ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban Al-shabaab dalka looga saaro inta aan la gaarin dabayaaqada 2024 oo bixitaanka ATMIS la qorsheeyay.

Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu Madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay Madaxweynuhu doorkooda halganka dib u xoreynta isaga oo u xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka, xilli lagu jiro gabgabada wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana looga dhawaqay Koonfur Galbeed abaabulka wajiga labaad.