U bood dhigaalka

Taliyaha NISA oo Kormeeray Suuqa Ugu Weyn Soomaaliya ee Bakaaraha

Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo haatan noqotay goob amni ah, oo ganacsatada aan looga qaadin baad.

Taliye Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo indho-indheeyey sida loo fuliyay amarkii NISA ee ahaa in dhammaan ganacsiyadu xirtan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taliye Mahad ayaa ku dhex lugeeyay suuqa, wuxuu gaargaar u arkay ganacsatada yaryar iyo maal-qabeennada waa weyn. Si uu u muujiyo isbadalka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha.
Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa taliye Mahad Salad la wadaagay sida ay ugu qanacsanyihiin shaqada laamaha amniga ee Dowladda iyo isbadalka xoogan ee dhanka togan loo qaaday, waxayna ballanaadeen iney Dowladda ku garabsiinayan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa uga mahadceliyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayan ciidanka, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV iyo garab istaagooda Dowladnimada, wuxuuna u ballanqaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigooda iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adda NISA iyo ganacsatada Soomaaliyeed.