U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Dubai, Isagoo Ka Qeybgalaya Shirka Isbedelka Cimillada Adduunka (COP28)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28) oo ka furmaya dalkaas.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo dooceedyo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku dhibaateysan meelaha fatahaaddu ka dhacday.


Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya roobabka tirade badan ay sababeen dadad xoog leh oo ku dhuftay gobollada qaar ee dalka, kuwaas saameyn ku yeeshay 2 Million oo dad ah, xilli 750,000 oo guri laga guuray, dhimashada ayaa gaartay 100 ruux, halka dhulbeereed badan ay saameeyeen biyihu.