U bood dhigaalka

Riyaadh: Maxay Ka wada Hadleen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Sacuudiga?

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah kujooga caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh ayaa kulan labogeesood ah la qaatay dhiggiisa Sacuudiga Carabiya Amiir Cabdicasis Bin Sacuud Bin Naayif Bin Cabdicasis Aala Sacuud.

Ajendeyaasha mirodhalka ahaa ay labada Wasiir ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsanaa: Adkeynta xiriirka labada dhinac, iskaashiga labada wasaaradood ee howlaha la xiriira, xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagixisada, tahriibka sharci-darrada (Irregular migration), xasilinta deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta, dibuheshiisiinta iyo arrimo kale.