U bood dhigaalka

Djibouti: Madaxweyneyaasha Xasan Sheekh iyo Geelle ka wada hadlay Xiriirka labada dal iyo Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka iyo dhinacyada iskaashiga amniga.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka Jabuuti uu ka dhacayo shirka 41-aad ee urur-goleedka IGAD, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka iyo isbelka cimilada oo siweyn u saameyn ugu yeelatay dalalka gobolka geeska Afrika.