U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka: Mareykanka oo Hor istaagay Xabadjoojin Kadhaqangasha Gaza

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la horgeeyay Jimcihii qaraar looga dalbanayo xabadjoojin ka dhaqangasha magaalada Gaza ee Falastiin oo muddo 2 bilood ah dagaallo ay ka socdaan u dhaxeeya ciidamada Israel iyo xoogagga ururka Xamaas.

Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah, Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee QM.


António Guterres ayaa Arbacadii soo jeediyay go’aan dhif iyo naadir ah, kaas oo golaha kaga dalbanayay in la hirgeliyo go’aan xabadjoojin ah oo Banii’aadannimo, go’aankaas ayaa helay taageero ilaa 100 ruux, laakiin masiijirin oo waxaa ay noqotay mid aan hirgelin oo la joojiyay.

Diidmada dowladda Mareykanka ee Xabadjoojin ka dhaqangasha Qaza waa markii labaad tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka socda magaalada, kaas oo galaya bishii sedexaad, waxaana ku geeriyooday in ka badan 10,000 oo ruux, xilli laga barakacay qeybo kamid ah magaalada.