U bood dhigaalka

Galgaduud: Dhakhtar iyo Macallin Walaalo ah loo dilay Aano Qabiil

Wararka naga soo gaarayo Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Ceeldheere Saqdii dhexe ee xalay koox maleeshiyaad ah ay ku dishay labo wiil oo la sheegay in ay ahaayeen walaalo, sida laga soo xigtay maamulka.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa lasheegay in mid kamid ah uu ahaa macalin dugsi Qur’aan halka wiilka kale uu ahaa dhaqtar, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilka loo geystay labada ruux, xilli muddooyinkii dambe Galgaduud ay ka dhacayeen dilal la xiriira aan qabiil.

Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Liibaan Xasan Cismaan oo macalinka ahaa iyo Axmed Xasan Cismaan oo la sheegay inuu ka yimid magaalada Buuhoodle halkaas uu ugu maqnaa arrimo shaqooyin caafimaad ah , isaga oo kusoo laabtay gobolka Galgaduud.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhacdooyin la xiriira dilal aanooyin qabiil ah, waxaana maamulka magaalada Gurceel ay sheegeen in ay ku dabajiraan kooxdii dilka geysatay oo aan wali lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo tan iyo xalay.