U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka: Madaxweynaha Xasan oo Guddoominaya Shir ay Ka Qeybgalayaan 26 Dowladood

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta dalka, kadib markii dhowaan dowladda laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan, isaga oo ka jeedin doona furitaanka shirka khudbad uu kaga hadlayo qorshaha dib u dhiska ciidanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadli doona dagaalka dowladdu ay ku doonayso in dalka looga xoreeyo Al-shabaab, shirkaan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.
2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.
3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaanahaan ay soo baxayeen dowlado sidhow ula socda xaaladda Soomaaliya oo dowladda u balanqaaday in ay siindoonaan hub casri ah, kadib go’aankii taariikhiga ahaa ee lagu qaaday cunaqabateynta hubka ee saareynd 31 sano.