U bood dhigaalka

Waa Maxay Go’aannada Taariikhiga ee ay Bangiga Adduunka iyo IMF ay Soomaaliya ka gaari doonaan Maanta iyo Berri?

Soomaaliya ayaa soo gaartay marxaladda go’aan gaarista ee IMF iyo World Bank iyada oo la filayo in maanta oo talaado ah ay sidaasi saxiixi doonaan guddiga sare ee bangiga Adduunka halka tallaabo taasi la mid ah ay Arbacada qaadi doonto hey’adda lacagta adduunka, laguna dhawaaqi doono gaarista heerkaasi.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in la cafiyay deymihii weynaa ee qaranka culeyska u ahaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo hoos u dhigi doonta saamiga deynta lagu leeyahay ee GDP wax ka yar 6%, waana tallaabo taariikhi ah oo u ogolaaneysa inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ka dib ku dhawaad ​​30 sano.

Tallaabada xigta waa in ay Soomaaliya hesho gargaar iyada oo la hoosgeyn doono nidaamka HIPC oo wax ku helaan dalalka degmaha la ciirciiraya.

Deyn cafinta ay ku dhawaaqi doonaan hey’adaha maaliyadda caalamka keliya kama dhigno in Soomaaliya ay gaareydo marxaladda go’aan gaarista ee Soomaaliya waxay heli doontaa deyn cafis weyn taasoo hoos u dhigi doonta deymaha dibadda laga soo bilaabo 64 boqolkiiba GDP dhammaadka 2018 ilaa wax ka yar 6 boqolkiiba GDP dhammaadka 2023.

Hannaanka deyn cafinta ayaa soo bilaabatay 10 sano kahor iyo xilligii hore ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, waxay dalka dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka IMF, taasoo ay la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska.