U bood dhigaalka

ATMIS oo Ciidanka Xoogga Ku Wareejineysa Amniga Villa Somalia

Tallaabo kale oo guul xagga amniga ah, ciidamada ATMIS ee howlgalka kala guurka ah oo muddo 16 sano ah qeyb ka ahaa sugidda amniga Xafiisyada Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa Maalinta Berrito ah baneynaya xafiisyadaas oo ay sugayeen tan iyo markii dowladdu soo cagadhigatay Muqdisho.

Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay la wareegi doona si buuxda amniga guud ee goobahaan waxaana ay qeyb ka tahay hannaanka lagu dhimayo ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS, sida uu xaqiijiyey la taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin.

Berri oo 17 December ku began waxaa soo dhammaa doona Waqtigii ATMIS ee Madaxtooyada Qaranka iyo xafiisyada waaweyn ee dalka waxaana Munaasabad Ciidanka Qaranku uu kula wareegayo Amniga Madaxtooyada isla markaana lagu sagootinayo ATMIS ay ka dhici doontaa Villa Somalia.

Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dabayaaqada sanadka soo aadan, waxaana socda qorshaha lagu dhimayo ciidanka, kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskii golaha amniga qaran ee Baydhabo.