U bood dhigaalka

Baydhabo: Askar Ka Tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed oo Xukunno Kale Duwan Ku Ridday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa Maanta Xukunno kala Duwan Ku Riddey rag Katirsan Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu helay in dhac iyo dil ay ka Geysteen Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulkaasi.


Muxyadiin Cali Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku Xukuntey Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Nuur Salaad kaas oo ahaa Ardey Dhigta Iskuulka Al Qalam Ee Magaalada Baydhabo waana lagu fuliyey dilka, kadib markii la geeyay fagaaro duleedka ka ah Baydhabo.


Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad Shuceyb Cali Mursal ku Xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, kadib markii lagu soo eedeeyay dhac kale duwan uu u geystay dad shacab ah gudaha magaalada Baydhabo, sida lagu soo bandhigay cadeymaha xeer ilaalinta.


Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad G/sare Sheikh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ka soo baxay, ee labada eedeysane ee kala ah Muxyadiin Cali Cabdullaahi iyo Muxyadiin Cali Cabdullaahi.