U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Taalla Belgium-ka oo 15 Sano oo Xabsi ah Ku Ridday Nin Ka Tirsan Mucaaradka Jabuuti

Sheeko:Caafimaadka

Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka tirsan mucaaradka Jabuuti oo dibadjoog ah kaddib markii lagu helay inuu jir dil u gaystay nin ay isku siyaasad ahaayeen oo la garaacay indhahana laga saaray.

Sida lagu sheegay xukunka, oo ay warisay wakaaladda wararka AFP Talaadadii, Idriss Awaleh, oo 40 jir ah, ayaa lagu helay “jir dil ay qeyb ka aheyd luminta xubin” kadib markii bishii November 2016 weerar lagu qaaday Liibaan Moustapha Hassan oo 40 jir ah.

Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay kadib markii 15-kii December ay xukuntay maxkamadda racfaanka ee Brussels, Moustapha ayaa booliska u sheegay inuu ahaa dhibbanaha weerar siyaasadeed kasoo gaaray saaxiibkiisa ay mucaaradka ahaayeen.


Ku dhawaad 12 saac kadib, Idriss Awaleh oo ku dhashay Soomaaliya balse haysta dhalashooyinka Jabuuti iyo Holland ayaa tegay isbitaal kale oo ku yaalla Brussels isaga oo ilig uu ka maqan yahay, islamarkaana wejiga dhaawac uga yaallo. Halkaas ayaa kadib lagu xiray.

Sida ku cad xukunka, maxkamaddu waxay sheegtay in labada nin ay ku lug lahaayeen siyaasadda mucaaradka Jabuuti, balse ay isku dhaceen intii uu socday khilaaf xooggan oo kooxeed u dhaxeeya, kaas oo keenay in ay gacanta isku qaadaan sida la baahiyay.


Saacadihii hore ee November 6, 2016, taksiile ka shaqeynayay meel u dhow Porte de Namur, oo ah mid ka mid ah degmooyinka ganacsi ee ugu weyn caasimadda Belgium, ayaa wacay booliiska, xilligaas uu arkay dhibanaha oo dhiig baxaya sida Booliisku sheegeen.