U bood dhigaalka

Puntland: Afar Ruux oo Suuriyaan ah oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidanka Boliiska dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay Magaalada Muqdisho ka qaateen Dahab gaaraya 940 Garaam ayna baxsad ka ahaayeen cadaaladda sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka ciidanka Booliiska maamulka .

Eedaysanayaasha Boliisku qabtay ayaa kala ah, Cabdikariin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdikariim Axmed, iyo Malay Cabdi bdikarim Ahmed, arrintaan ayaa noqotay mid siweyn loo hadalhaayo, maadaama dadka Suuriyaanka ah ay Muqdisho joogaan iyaga qooxooti ah soo cararay.

Boliiska ayaa sheegay in xubnahaan Suuriyaanka ah ee saaka lagu qabtay Qardho la horgeyn doono Cadaaladda, xilli aan la shaacin qaabka ay u qaateen Dahabka dhac ama iney xatooyo sameeyeen marka la eego dacwadda loo heysto eek u aadan qaadasha 940 oo Dahab ah oo Muqdisho ay kala yimaadeen.

May be an image of 1 person and text