U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse Barre oo Shaaciyay Xilliga Dhagxaanta Laga Qaadayo Waddooyinka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sidoo kale sheegay in waddankeennu uu marayo isgoys muhiim ah oo uu caalamku qiimeynayo tallaabooyinka la qaadayo, maadaama dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka, isla markaana dayntii laga cafiyey.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.