U bood dhigaalka

Doodo Laga Yeeshay Amniga Caasimadda iyo Qorshaha Xasilinta Muqdisho 2024

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xagaa, ayaa guddoomiyay shirka Hay’adaha Amniga oo lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana siweyn loogu gorfeeyay ammaanka caasimadda 72-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo siyaabo kale duwan uga dhacay caasimadda.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Guddoomiye ku Xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Boliiska iyo NISA, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Guutooyinka Ciidanka Polizia Militare, Taliyeyaasha Qeybaha iyo Saldhigyada Caasimada ee Boliiska iyo NISA.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa, in wax la iska weydiiyo xaaladaha ammaan Caasimadda sanadkaan 2023 ee sii dhamaanaya iyo qorshaha sugida iyo adkeynta amniga iyo xasiloonida, kaas oo waxweyn iska bedelay tan iyo sanadkii hore markaas oo la qaaday ololaha xasilinta caasimadda, xilli siweyn looga dooday ee sannadka soo socda ee 2024 iyo qorshaha laamaha amniga ay ugu talo galeen sugidda amniga.

Kulanka waxaa sidoo kale la isweydiiyay oo saraakiishana laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkaan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasimada, kaas waxweyn iska bedelay tan iyo markii amniga lagu wareejiyay ciidanka Booliis Milatariya iyo kuwa NISA, waxaana dhowrjeer laga hortay falal amniga lid ku ah oo ciidanku ay ku guuleysteen fashintooda.