U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Laamaha Amniga Faray in Muqdisho Amnigeeda Wax Laga Badalo 2024

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay kulan ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo ciwaankiisu ahaa guulaha laga gaaray amniga iyo xalinta caasimadda ayaa si adag uga hadlay arrinta amniga caasimadda iyo sidii wax looga qaban lahaa.


Ra’iisulwasaare Xamse ayaa shaaca ka qaaday in wali la gaarin amni adag inta wali dilalku ay socdaan dilalka qorsheysan ee ka dhacaya caasimadda oo ugu dambeeyay dilkii degmada Wadajir loogu geystay xildhibaan hore Allah unaxariiste Ibraahim Saalax Dayfullah, isagoo la dilay xilli uu masjidka kasoo baxay.

Xamse Barre ayaa amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay dilka Marxuumka, xilli uu carabka ku adkeeyay inaan laamaha amniga laga aqbali Karin qof la dilo kuwii dilka geystayna ay iska baxsadaan, dilalka qorsheysay ayaa muddooyinkaan ku yaraa caasimadda marka la eego sanadka 2023.

“Waxyaabo waligey aan dhibsan jiray Report-kana ku qornaa, haddana wali sii socda, oo ku qoran inaad report ku akhrineyso hebelbaa dhintay kii dilayna waa baxsaday, waxaan noqonay dad ku dhexnol wuu dhintay wuu baxsaday, markaan sidaas lahaa dhibaato weyn Ayaan arkaayey qoorna ciyaar ayey ka dhigteen, xanuunka iyo dhibaatada ay nagu heysana Ilaahey uunbaa og” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisulwasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho maalin ka hor lagu dilay xildhibaan hore Allah unaxariistee Ibraahim Saalax Dayfullah, iyadoo ay goobta ay isaga baxsadeen kooxdii dilka geystay, arrintaan ayaa soo dadajisay in Muqdisho lagu qabto shir looga hadlay amniga caasimadda uu kasoo qeybgalay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo ku baaqay in wax badan laga badalo amniga guud.