U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka: Waxaan Aqoonsanahay Xudiuudda Soomaaliya ee 1960

Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya taas oo ku saabsan xuduuda 1960-kii lagu dhisay Jamhuuriyaddii Dimuqaadiga ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka walaacsan tahay xiiisadda labada dal ee ka dhalatay wixii ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana labada dhinac u uku booriyay in ay wadahadlaan oo miiska wadahadalka isugu yimaadaan, xilli caalamku uu siyaabo kale duwan uga hadlay xiisadda soo korortay.
“ Maraykanka waxuu aqoonsanyahay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda unaa u yahay 1960-kii, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wadahadlaan oo ay xiisadda ku xalliyaan wada hadal” ayuu yiri Martin.

Afhayeenka oo hadalkiisa siiwato ayaa shaaca ka qaaday walaaca arrintaan laga qabo waxaana uu sii raacsiiyay hadalkiisa” waanu ka walaacsanahay,waxaanu ku biirnay asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Hadalka kasoo baxay Afhayeenka dowladda Mareykanka ayaa waxaa kusoo aadayaa xilli Midowga, Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ay siyaabo kale duwan uga hadleen xiisadda kasoo cusboonaatay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya eek u aadan muranka badda dekadda Seylac.