U bood dhigaalka

Wasiir Kamid ah Xukuumadda Somaliland oo Isku Casilay Arrin La Xiriirta Heshiiskii Badda ee Itoobiy iyo Somaliland

Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyey ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay xukuumadda Somaliland ee hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, kadib heshiiskii isafgarad ee dhexmay Itoobiy iyo maamulka Somaliland ee badda Seylac.

Wasiir Cabdiqani ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey telefiishan maxalli ah oo lagu magacaabo Horyaal TV, waxaana uu intaa raaciyay in is casilaaddiisu ay la xiriirto is-afgaradka muranka badan dhaliyay, wasiirka ayaa kamid ah wasiirrada ugu muhiimsanaa xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankiisu uu ka dambeeyey kulan ay yeesheen madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku kala aragti duwanaadeen, Madaxtooyada Somaliland ayaan weli ka jawaabin hadalka wasiirka, iyo inay kulmeen madaxweynaha ka hor inta uusan is casilin, arrintaan ayaa siweyn looga dareemay.


Ka sokow wasiirka is casilay, Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa kulan ay yeesheen saddexdii bishan Janaayo ku taageeray is-afgaradka, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo xubno kale, xilli bannaanbaxyo badan lagala horyimid heshiiska.


Iscasilaadda wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyey ayaa kusoo aaday xilli dhowaan heshiis ka dhacay magaalada Addis Ababa ay isafgarad ku gaareen in 20KM badda cas laga siiyo Itoobiya arrintaas ayaa dhalisay diidmo xooggan oo ka timid shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka.