U bood dhigaalka

Jabhadda Oromada oo Ka Hortimid Heshiiska Ethopia iyo Somaliland

Jabhadda Xoraynta ee Oromada ee Itoobiya ayaa ka hortamid go’aankii Ra’iisulwasaaraha dalkaas uu heshiiska kula gaaray Somaliland, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharcidarro ah iyo tallaabo qaldan oo lagu marinhabaabinayo Shacabka Ethiopia.

War qoraal ah oo ay soo saareen OLF ayay tallaabada Abey Axmed ku tilmaaneen inay tahay mid indhaha caalamka looga leexinayo xaalada dhabta ah ee ka taagan Ethiopia oo ah mid qatar wayn leh, xilli hoos u dhac dhaqaale oo aad u adag uu ka jiro.

Jabhadda ayaa sheegay in ay si buuxda u ixtiraamayaan madaxbanaanida Dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo qoraalka kasoo baxay uu kusoo aadayo xilli dunida siyaabo kale duwan uga hadashay xaaladda badda ee u dhaxeysa dowlaha Ethopia iyo Soomaaliya.