U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidamada Ammaanka oo Fashilyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhow ka dhacay caasimadda Muqdisho iyada oo lagu waramayo in ciidamada amniga ay fadhiliyeen qarax.
.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid lasoo dhigay suuqa Xamarweyne kadibna ay ciidanku ay gacanta ku dhigeen, sida lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Xaqiijin.

“Saaka 10 Jan 2024 abaare 12:20 PM ayeey Khawaarijtu si dhagar ah, walxa qarxa usoo dhigeen Suuga Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal ee Degmada Xamarweyne” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ciidamada Amaanka ayaa dadka ka badbaadiyay, goobta xiray. Isla markaana, qarxiyay abaare 01:00 PM Duhurnimo, Ma jiraan wax qasaare ah oo ka dhashay”ayaa la sii raaciyay qoraalka ciidanka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ammaankeeda waxaa uu ahaa mid soo hagaagayo, waxaana ciidamada boliis milatari, oo muddo sanad ah u buuxsaneyso markii ammaanka Muqdisho lagu wareejiyey.