U bood dhigaalka

Madaxda IGAD oo Uganda uga Shiri doona Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo xiisadda kusoo korortay gobolka ee u dhexeysa dowladda federalka Soomalaiya iyo dowladda federalka Itoobiya eek u aadan heshiiskii is-afgardka ahaa, isaga oo iclaamiyay shir ay isugu yimaadaan urur goboleedka.

Shirkan oo dhici doona 18-ka bishan dalka Uganda ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD ay kulan ka yeeshaan damaca Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda ururka IGAD iyo dhammaan xeerarka Caalamka ah ee la isla wada yaqaan, kadib heshiis Itoobiya la gashay Somaliland.

Shirka lagu baaqay ayaa kusoo aadaya xilli bayaan hore uga soo baxay ururka loogu dhammaan dalalka ku jira in ay ixtiraamaan madaxbannaandi dalalka kale kale, waxaana iskasoo dabadhacaya eedeynta u imanaysa Itoobiya eek u aadan damceeda badda Soomaaliya oo ay sheegtay ay saldhig ka doonayso.