U bood dhigaalka

Askar Mareykan ah oo Lagu La’yahay Badda Soomaaliya

Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka Jimcihii shalay, Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu xusay bayaankan uu soo saaray dhexe ee Mareykanka.

Faahfaahinno dheeraad ah ma jirto oo weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda, waxaana ciidankaan laga cabsi qabaa in ay gacanta ku dhigeen kooxda Xuutiyiinta oo maamulo dalka Yeman oo dhowr jeer weerarro ku qaaday Maraakiibta Badda Cas.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October 2022, kadib markii kooxda ay kordhisay weerarrada ay ka geysato badda cas.

Mareykanka iyo UK ayaa weerarro dhanka circa ku qaaday dalka Yeman, kaas oo lagu qaaday xarumo ay kooxdu ku laheyd Raadeerro, waxaana maalmihii dambe soo kordhayay ciidamada iyo Maraakiibta soo garaaya gacanka Cadmeed, kaas oo marin muhiim ah u ah Badda Cas oo ay maraan ganacsiyo badan.
Askartaan la la’yahay ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli kooxda Xuutiyiinta ay bilihii ugu dambeysay ay kordhisay weerarrada ay ka wado badda Cas, waxaana taas ay keentay in dowladda Mareykanka inta badan badda ay soo dhoobtay Maaraakiibteeda dagaalka oo xitaa y ku jiraan Gujisyada badda quusa.