U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Mar kale Saldhig Kasameystay Dhuusamareeb si Loo Dhameystiro Howlgalka Ka Dhanka ah Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyada oo halkaas sidiiran ugu soo dhoweeyay garoonka Ugaas Nuur ee duleedka caasimadda
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, golayaasha maamulka iyo bulshada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa xusaya in safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug uu la xariira sidii loo siidardargelin lahaa loona dhammeystiri lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda muddo inta badan deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona saaraakiisha ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug, waxaana warar hoose ay sheegayaan inuu madaxweyne Xasan ay macquul tahay inuu booqdo Xarardheere iyo Bacaadweyne.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa ku daabushay gobollada Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgallada Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Deegaannada Galmudug sarafka madaxweynaha u uku tagay ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli la filayo in dowladdu ay qaado howlgalkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga saarayo Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana soo idlaaday diyaargarowgii ciidanku xoogga ay wadeen.