U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo ATMIS oo ka Wada Hadlay Kala guurka

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ATMIS, kaas oo diirada lagu saaray amniga dalka, maamaada lagu jiro xilliga kala guurka ah ee dhismista ciidanka midowga Afrika.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska waxaa lagu falanqeeyay doorka ATMIS ee ku saabsan xoojinta amniga dalka iyo Caasimadda sidii amnigeeda sare loogu qaadi lahaa iyo in kaalintooda ay ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo dib u bilowday.

Shirkaan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahana Madaxa Howlgalka ATMIS Ambassador Mohammed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidamada Atmis General Sam Okiding, iyaga oo ballanqaaday in ay qaadan doonaan waajibka ka saaran amniga.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa ATMIS ku amaanay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo naf-hurnimada ay sameeyeen mudadii ay joogeen dalka, waxaana hadda howlgalka ay ku joogaan Soomaaliya uu marayaa heer gabagabo ah 16 sano kadib.


Ciidanka xoogga dalka ayaa ku guuleystay in saldhigyo dhowr ah ay kala wareegaan Al-shabaab, ka hor inta aan la gaarin dabayaaqada 2024 oo ciidanka la qorsheeyay in ay dalka isaga baxaan, dowladda ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay oo ciidankeeda ay kula wareegayaan ammaanka guud ee dalka 2025-ka.

Ciidanka xoogga dalka ayaa dhowaan waxa lagu wareejiyay ammaanka guud ee madaxda dalka iyo Villa Soomaaliya, waxaana dowladdu sheegtay in garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho in ay noqon doonaan goobaha ugu dambeeya ay ciidanka xooggu la wareegaan ka hor 31 bisha December 2024-ka.

Kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka ATMIS kaalin ballaaran ay ka qaataan howlgallada lagu sugayo amniga xarumaha dowaladda iyo saldhigyo dhowr ah oo ay degan yihiin, waxaana dhowaan ay sheegeen in ay kaalintooda ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dalka ka socda.