U bood dhigaalka

Banaadir: Wax ka ogow Khasaaraha Qarax ka dhacay Xamarwyne

Faafaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta qof is qarxiyay uu ka geystay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana ka dhashay khasaare kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac intaba isugu jira sida laga soo xigtay booliiska.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu faahfaahiyay qaraxa dhacay iyo khasaaraha lagu yiri “Qof naftii haliga ahaa ayaa isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada AlHindi oo ku taala degmada Xamarweyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka” ayaa lagu yiri.

Booliska ayaa sheegay inay ku dhinteen seddex ruux halka ay ku dhaawacmayn laba qof oo goobta ka agdhawaa, warka qoraalka ayaa lagu sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu ka socdo baaritaan dhawaana la bixin doono faah faahin dhammeystiran.

Qaraxa ka dhacay dowladda hoose ee Xamar ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe xaaladda amni ee caasimadda, waxaana qaraxaan uu ahaa mid uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa waxaana uu sababay khasaare kale duwan.