U bood dhigaalka

Qarax Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

Qof iskusoo xiray walxaha qarxaha ayaa waxa la sheegayaa inuu isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa mid siweyn looga maqlay inta badan caasimadda, wararka ayaa sheegaya in qofka isqarxiyay uu qarxay darbiga dambe ee xarunta gobolka sida wararka lagu  helayo.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa waxaa sidoo kale aan jirin hadal kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan weerarka lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar ee uu fuliyay qof naftii hure ah oo isku soo xiray walxaha qarxa, xarunta habeenkii xalay lagu soo dhoweeyay wafdi Cuman ah.

La soco faahfaahinta