U bood dhigaalka

Turkiga: Xukun Lagu Riday Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya

Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib, Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii booliska ay ogaadeen in wiilka madaxweynaha uu dalka ka baxay.

Bixitaankiisa ayaa caro ka dhaliyey warbaahinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedeeyey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu dalka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu maxkamadda uga hor marqaati furo, waxaana ugu dambeyn maxkamadda soo saartay go’aan lagu soo afjaray dacwadda loo heystay loo heystay wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan.

Maxkamadda Istanbul ayaa ku xukuntay Maxamed laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, taasi oo loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah, In xukunada xabsi loo beddelo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hanaanka garsoorka ee Turkey, Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

Turkey ayaa xiriir wanaagsan la laheyd Soomaaliya, 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waana dalka ugu weyn ee xiriirka dhaqaale uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha waxbarashada iyo caafimaadka iyo taageerada ciidanka xoogga dalka.