U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Cumaan oo Soo Dhoweyn Loogu Sameeyay Hooyga Dowladda Hoose Ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, soo dhoweyn ugu sameeyay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Xildhibaano, guud ahaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay goobta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaasabada kusoo bandhigay taariikhda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, kaasi oo ku dhisan dhaqan, dhaqaale iyo iskaashi, iyadoona wafdiga dalka Cumaan ay ka mahadceliyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Caasimadda dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday xiriirka iskaashi uu la samaynayo madaxda caasimada dalalka caalamka, kuwaas oo ballanqaaday in Muqdisho ay guddoomiyaha ay ka caawinayaan sidii ay dib ugu soo noqon lahaa bilicdii iyo maqaamkii ay ku laheyd Afrika iyo caalamka.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa isbedel ballaaran sameysay muddadii uu hayay Madaale waxaana la hirgelyay dhowr mashruuc oo lagu dhigay waddooyin muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka caasimadda, waxaana sidoo kale isbedel weyn laga dareemayaa dhanka amniga marka la eego.