U bood dhigaalka

Pakistan oo u Yeertay Siihayaha Safaaradda Iran iyo Xiisad Cirka Isku Shareertay

Dowladda Pakistan ayaa u yeertay Siihayaha safaaradda Iiraan kadib markii ay iran weeraro ka gaysatay gudaha Pakistaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa u yeertay Siihayaha Safaaradda Iran ee Islamabad si ay u muujiso inay cambaareyneyso waxa ay ugu yeertay xadgudubka qaawan ee aan la aqbali karin ee lagu sameeyay madaxbanaanida dalka Pakistan, kadib markii Tehran ay duqeysay kooxda hubeysan ee Jaish al-Adl oo ku sugan gudaha dhulka Pakistan.

“Pakistan waxay si adag u cambaaraynaysaa xadgudubka aan loo meel dayin ee ay Iran ku samaysay hawadeena iyo weerarkii ka dhacay gudaha dhulka Pakistan, kaas oo sababay dhimashada laba carruur ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca saddex gabdhood”. ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda iyada oo intaa raacisay in “mas’uuliyadda xun ee ka dhalata duqeynta ay si toos dusha usaaran doonto Iran.”

Dhanka kale , wakaaladda Tasnim ee Iran ayaa sheegtay in laba xarumood oo ka tirsan jabhadda islamiga ah ee Jais al lagu burburiyey dhulka Pakistan iyada oo loo adeegsaday gantaallo iyo duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha wadin.

Iran waxay 24 saac gudohood ku weerartay goobo ku yaalla Ciraaq, Suuriya iyo Pakistan, taasi oo noqon karta xiisad cusub iyo holac horleh oo ka bilaama bariga dhexe.