U bood dhigaalka

Pakistaan oo Weerarro Ka Gaysatay Gudaha Iiran.

Iyadoo la eegayo xiisada dhowaan ka dhex aloosantay Iran iyo Pakistan, labadii maalmood ee udanbeesay, ka dib markii Tehran ay duqaymo ka fulisay gudaha dhulka Pakistan, Islamabad waxay ku dhawaaqday in ay weerartay goobo ku yaala gudaha Iran.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa ku micneysay in duqeymaha ay fuliyeen ay ahaayeen kuwo lagu difaacayay amniga iyo danaha qaranka ee dalkaas, sidoo kale waxaa ay ku dartay hadal ay soo saartay subaxnimadii horre ee saaka Khamiista ah “ in tiro argagixisa ah lagu dilay intii uu socday howlgalka oo lagu fuliyay waxa ay ugu yeereen xogo sirdoonka.”

Islamabad waxay carrabka ku adkeysay ixtiraamka madax-bannaanida Iran iyo madax-bannaanida dhuleed, iyadoo xustay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan sidii xal loogu heli lahaa Tehraan oo ka dhan ah waxa ay ugu yeertay weerar argagixiso, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Pakistan ayaa goor sii horeysay oo maanta ah ku dhawaaqay in dalkiisa uu weeraro ka fuliyay gudaha dhulka Iran. Waxa uu intaasi ku daray in duqeymahaasi lala beegsaday kooxo hubeysan oo cadow ku ah dalkiisa.

Sarkaal ku sugan gobolka Sistan-Baluchestan oo aan laxusin magaciisa ayaa sheegay in “qaraxyo laga maqlay meelo badan oo ku xeeran magaalada Saravan,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Sarkaal kale oo dhanka ammaanka ah ayaa sidoo kale tilmaamay in dhowr gantaal laga soo riday dhanka Pakistan, ayna ku dhaceen tuulo ku taal xuduudka gobolka Iran, isagoo intaa ku daray in ugu yaraan saddex haween ah iyo afar carruur ah ay ku dhinteen mid ka mid ah qaraxyada, isagoo caddeeyay inaysan ahayn muwaadiniin Iran ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Tani waxay timid maalin uun ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Jalil Abbas Gilani uu ku dhawaaqay in Islamabad ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarada Iran ee dalkeeda, ee ugu yeeray xadgudub. Waxa uu sidoo kale bayaan uu soo saaray ku tilmaamay weerarradan kuwo colaad kicin kara.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu ku dilay koox argagixiso Iran ah oo ku sugan dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan, isaga oo ula jeedo kooxda Jaish al-Adl, oo ay Tehran u aqoonsatay argagixiso.

Iiraan ayaa maalmihi ugu danbeesay, ka fulineesay gobalka weeraro isdaba jog ahaa, weeraraddan oo ay filinayeen, waxa ay ugu yeeratay iran kooxda ilaaladda kacaanka, madaxwaynaha ciraar oo ah wadamadii ay iiran weerartay todobadkan gudihiisa ayaa carabaabay mar uu saxafadda lahadlaayay in iiran aysan hal gantaal xitaa ku tuuri Karin istrail.