U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay Iskuul Farsamo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagaxdhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.

Munaasabadda dhagaxdhiga Dugsigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in barashada Farsama Gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu Dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragalin doonno howlaha Farsamada gacanta


“ Maanta waxaan jooognaa inaan dhagaxdhigno dugsi farsamo ah, oo ubadkeena ay ka faaiideysan doonaan, oo isugu jiro horgii, waxbaarashadii masaajidkii, mu’asaso dhameystiran inaan halkaan ka dhagaxdhigno annagana guul ayey noo tahay waxaan aad ugu majadcelinaa walaalaheena Turkiga” ayuu yiri,

Dhismaha xaruntaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ku yaryihiin iskuulaadka lagu barto farsamada gacanta, waxaana kuwa hadda jira ay yihiin kuwa ay shaqsiyaad gaar ah gacanta ay ku hayaan dowladda ayaa hore u sheegtay in la kordhinayo iskuulaadka nuucaan ah si looga faaiideysto.