U bood dhigaalka

Muqdisho : Taliyeyaasha Amniga oo ka arrinsaday Amniga dalka iyo midka Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ka shiray amniga guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka kooxda Al-shabaab.

Kulanka si guud waxaa looga hadlay difaaca dalka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya, shirka ayaa ka dhacay Taliska Boliiska Soomaaliya, waxaa lagu lafa-guray sidii looga wada shaqeyn lahaa Difaaca dalka iyo guud ahaan amniga Caasimadda.

Kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka xoogga dalka, kuwa NISA, iyo Booliiska ay siwadajir ah ushaqeeyaan ammaanka dalka, waxaana kulankaan ayaa imaanaya xilli dagaalka Al-shabaab ciidanku ay guulo badan ka gaareen iyadoo laga saaray deegaanno badan oo dalka muddo kooban.