U bood dhigaalka

Hoggaanka Xuutiyiinta oo Farriin Adag u Diray Mareykanka iyo Ingriiska, Kadib Weerarradii Lagu Qaaday

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dhisan Yemen oo muddooyinkii dambe wajahayay weerar kaga imaanaya Mareykanka iyo Britain, xilli ay kordheen weerarrada gacanka Cadmeed ee badda Cas ayaa soo diray diginin ku socota labadaan dowladood, waxaana weerar lagu qaaday Markab xamuul ah oo Mareykanku uu leeyahay Badda Cas.

Maxamad Cali Al-Xuuti oo ka tirsan golaha sare ee siyaasadda ururka Xuutiyiinta ayaa farriin adag u diray Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaana hadalkiisa u uku sheegay in ay weerar ku yihiin Yeman iyo Falastiin sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay iska difaaci doonaan Mareykanka iyo UK.

“Waxaad tihiin [Maraykanka & Ingiriiska] ilaaliyaha aaladda burburinta ee Israa’iil,dhammaan qaybaha adduunka ayaa ka marag kacaya waxaad ka geysateen Qasa ama Yemen. Weerarkiinnu waxa ay kordhin doontaa awoodda iyo dadka Yemen ku doonayaan inay idinkaga hor yimaadaan” ayuu yiri Al Xuutti.

“Dadkeena waxay maanta u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa iyo go’doominta lagu hayo shacabka Qasa, Mareykanka wuxuu la dagaalamayaa oo duqeymo ku haya shacabka Yemen si ay u difaacaan dambiilayaasha argagixisada ah ee Israa’iil” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xilli uu hadlayay Xuutti.

Dhinaca Kalena, Kooxda ka dagaalanta Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay beegsadeen markab xamuul milatari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Gacanka Cadmeed, iyagoo adeegsaday gantaallo badda ah, weerarkaas ayaa ahaa mid lagu beegsaday Markab Mareykanku leeyahay oo marayay Marinkaasi.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen waxay xaqiijinayaan in jawaab celin ka dhan ah weerarada Mareykanka iyo Britain ay tahay mid aan laga fursan doonin, waxaana la ballan qaadayaa in wax weerar cusub ah aan la iska indho tirin doonin,” ayaalagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Xuutiyiinta.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto dowladda Iiraan ayaa waxa ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Israel ilaa inta dagaalka ka socda Gaza uu dhammaanayo, waxaana wali socda weerarrada ka dhaca badda Cas oo noqotay marin halis ah muddooyinkii dambe oo cabsi ah.