U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo ATMIS Kala Wareegaya Xarumo Ku Yaalla Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato), halkaas oo ay ku jiraan dhallinyaro loo tababarayo ku biirista Daraawiishta.

Ciidamada cusub oo ka mid ah Darawiishta Jubbaland ayaa loo diyaariyay la dagaalanka Al-shabaab iyo in ay qeyb qanoqdaan sugitaanka ammaanka Jubbaland, kadib bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo bilaabay in ay ka baxaan deegaannada maamulka.

Ciidanka Kenya ayaa baneeyay garoonka diyaaradaha, xarunta Jaamacadaha iyo xerada tabarrada ee Madhamaato, waxaana ay wali ku sugan yihiin xarunta madaxtooyada iyo goobo kale, waxaana lagu wadaa in dhowaan goobaha ay ka joogaan Kismaayo lagu wajeejiyo ciidanka Ilaalada madaxda dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka loogu jiro sidii Anmiga degaannada Jubbland loo sugi lahaa ayna ka qeyb qaadan doonaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo laga bilaabi doono Jubbalanad dhowaan.
Xerada Ma dhamaato ayaa dhawaan waxaa banayeeyay Ciidamo ka tirsan Hawlgalka ATMIS waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Jubbaland, xilli dowladdu wado qorshaha dalka looga saarayo ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalalka safka hore ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheynaysa in magaalada Baydhabo ay noqoto xarunta labaad ay ka baxaan ciidanka ATIMIS, kuwaas oo ka socda Itoobiya, waxaana xusid mudan in dhowaan ciidanka xoogga dalka ay la wareegeen ammaanka madaxda Qaranka iyo xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaalia.