U bood dhigaalka

Muqdisho: Nin Xaaskiisa oo Xaamilo ah Gubay

Faahfaahinno dheeraad ah aya laga helayaa dhacdo xanuun badan oo habeenimadii xalay ka dhacday degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir, kadib markii Nin uu Xaaskiisa nolosha ku gubay, warar kale duwan ayaa kasoo baxay sida ay wax u dhaceen, Booliiska ayaa faahfaahiyay sida ay wax uga dhaceen.

Ninka Xaaskiisa gubay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Siid Cali Macallin Daa’uud, waxaana gabadha la gubay lagu sheegay Luul Sheekh Cabdicasiis, arrintaan ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo dhexgalay reerka isqabay, iyadoo lagu dabiibayo Digfeer, sida uu laanta BBC-da u sheegay wiil la dhashay dhibanah.


“Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya, Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan”ayuu sii raaciyay hadalkiisa xilli uu hadlayay Wiilka oo hadlayay dhacdada kadib.

Dhinaca kale waxa uu Meesha ka saaray inuu jiro khilaaf soo kala dhexfgalay lamaanaha isqabay, iyadoo la warinayo in dhacdadaan ay sabab u aheyd muran” Haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sidiiq Doodishe ayaa dhacdada kadi yiri ” Abbaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd sidaan xogta ku helnay.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid siweyn looga hadalhaayo degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, xilli lamaanaha la sheegay in ay isku dhaleen caruur haddana ay aheyd Xaamilo, waxaana ay haysatay Lix Caruur ah oo ay nin kale hore ugu soo dhashay inta aysan guursan ninka dambe ee gubay ee Siid Cali.