U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Taliyaaniga oo Gaaray iskaashi Amni Dinacyo Badan

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka qeyb ah wadiga madaxweynaha ee kuu sugan magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoogin lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee arrimaha Difaaca Soomaaliya iyo Taliyaani, xilli ay kamid tahay dowladaha ka taageera dhinaca difaaca iyadoo dalka laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Dowladda Talyaanigu waxay ka mid yahay saaxiibbada naga taageera difaaca iyo amniga Soomaaliya oo xilligaan dagaal adag kula jirta Al-shabaab iyo xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka ee ku aadan arrinta badda ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa.

Heshiiska wasaaradaha difaaca ee Soomaaliya iyo Taliyaaniga waxa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu ay ku jirto qorshaha dib u dhiska ciidanka badda Soomaaliya oo dowladdaha Taliyaaniga iyo Turkigu qeyb ka yihiin dowladaha ka taageeraya tabar iyo qalabeynba.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kamid ah wafdiga madaxweynaha ee ka qeyb galaya madasha Taliyaaniga iyo Afrika, waxaana inta u uku sugan yahay uu la kulmi doonaa wasiirro kale oo caalamka ah.