U bood dhigaalka

Adis Ababa oo IGAD ka dalbatay Shir Madaxeed ay Noociisa Horay u diiday

Dowladda Itoobiya ayaa urur-goboleedka IGAD ka codsatay in la qabto shir madaxeed aan caadi ahayn, kaas oo loo malaynayo in looga hadlayo xiisadda gobolka kusoo korortay ee Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya inkastoo ay Itoobiya horay u diiday inay ka qaybgasho shirkii ay dowladda Soomaaliya codsatay.

Baaqa iyo codsiga dowladda Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli dhaleeceyn ka duwan ay caalamka uga kala yimaadeen, kuwaas isbarbartaagay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladda Soomaaliya, bayaannada Mareykanka UK, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa horseday.

Madaxda IGAD oo dhowaan ku shiray dalka Uganda ayaa shirkaas kusoo bandhigay sida ay muhiim u tahay in la ixtiraamo mabaxmabannaanida dhuleed ee dalalka ku jira Urur-ka, waxaana loogu baaqay dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya in ay xaliyaan xiisadda ka dhextaagan ee ka dhalatay kiiska Badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in wadahadal walba ay la galayso Itoobiya uu ku xir naan doono in ay ka laabato heshiiskii is-afgaradka ahaa, Madaxda urur-goboleedka IGAD ayaa Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ku dhaleeceeyay jabinta xeerarka urur-ka iyo caalamiga ah oo keenay dhaleecooyin badan.

Warkan ayaa kusoo beegmay, xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ku wada sugan yihiin magaalada Roma ee dalka talyaaniga halkaas oo ka socday labadii maalin ee udambesay shir caalami ah ee madasha dowladda Taliyaaniga iyo Afrika.