U bood dhigaalka

Pakistan: Ra’iisulwasaarihii Hore oo Lagu Xukumay 14 sano oo Xabsi ah

Ra’iisulwasaarihii hore dalka Pakistan Imran Khan iyo Xaaskiisa Bushra Bibi ayaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah maalin uun kadib markii uu kasoo muuqday maxkamadda, xilli todobaad kadib loo dareeri doorashada guud ee dalkaasi.

Khan oo ay xilka ka riteen mucaaradkiisa sanadkii 2022 kii, ayaa saddex sano xabsi ku jiray kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq, waxaana xigtay in 10 sano dib looga xukumay, waxaana uu qaadanayaa isku dar 14 sano oo xabsi ah.

Talaadadii shalay ayaa lagu eedeeyay inuu bixiyay siraha qaranka, iyada oo maanta oo arbaco ah lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, Imran oo naftiisa difaacayay ayaa wax kama jiraan ku tilmamay kiisaska lagu soo oogay isaga iyo xaaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamada aaney u dhicin si dheeli tiran kadib markii maxkamada dhageesatay kaliya hal dhinac oo dacwad oogayaasha , sidaasna ku soo Af-meerantay Xukunka, Cimran ayaa ku qasbanaaday inuu xuso inaan cadaalad loo marin xukunkiisa.

Xukunkiisaan ayaa ku soo aadaya xilli uu todobaad ka harsan yahay doorashada guud ee Pakistan taas oo loo diiday in uu u tartamo, waxaana arrintaan siweyn ugu lug leh xisbiga mucaaradka dalkaas oo lagu eedeeyay sumcadilka Imran Khaan.