U bood dhigaalka

Embakasi: Khasaare Naf iyo Maal leh oo ka dhalatay Gaari Gaas Sidday oo Qarxay

Wararka ka imaanaya Embakasi oo ah duleedka caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa sheegaya inuu halkaasi ku qarxay gaari sidday xamuulad Gaas, taasi oo sababtay in ay dhintaan 3 qof, kuna dhaawacmaan 300 oo kale.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sidoo kale sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay la adkeeyay, isla markaana la sameeyay xarun talis oo gacan ka geysata isku xirka howlaha samata bixinta, waxaana socda gargaarka lagu doonayo in lagu samatabixiyo dadka dhibaatadu soo gaartay iyo kuwa laga cabsida qabo qudhooda.

Dabka xowligiisa ayaa sababaya in Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ay ku waxyeelo kale duwan kasoo gaarto dabkaasi ,waxaana dadla lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howlgalka samatabbixinta, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay dowladda ee la hadlay wargeydka Standard.

In ka badan 271 oo 25 caruur yihiin ayaa la dhigay Isbitaalka balse sida uu sheegay Mayor-ka Nairobi Sakaja Johnson waa lala tacaalay inta badan, oo xaafadihii ay dib ugu noqdeen halka 39 oo ay xaaladdoodu daran tahay weli la dhabiibayo.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kamid ah magaalooyinka ugu saxmadda badan, waxaana xilligaan la galay jiilaalka oo cimilada isbedel u uku imaanayo, arrinta dhacday ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka qeybo kamid ah magaalada ciidanka ayaa ku mashquulsan gurmadka deg deg ah.