U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya: Waa Baxsad Eedeysane ah Dilaaga Luul

Xilli maalmahaan la hadal halay rag Xaasaskooda oo Xaamilo ah ku dilay magaalada Muqdisho iyo degmada Qoryooley, dilalkaas oo loo adeegsaday gubis iyo gowrac, taas oo sababtay in xaasaska ay u dhintaan ayaa markii ugu horeysay waxa ka hadlay ciidanka Booliiska oo faahfaahiyay sida wax ay u dhaceen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Ciidanka Boliiska Degmada Qoryooley ay gacanta ku dhigeen eedeysane Saleemaan Xaaji Cabdi oo ku eedeysan inuu shalay Xaafada Wadajir ee Degmadaas ku dilay Xaaskiisii Fowsiyo Muxsin Maxamed oo u dhashay 4 carruur ah.

Dhinaca kale Booliiska ayaa sheegay in la baadi goobayo eedeysane Sayid-cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. “Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimadda iyo Gobollada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayuu booliisku ku warramay.

Laamaha Amniga ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in qofkii helaa xogta eedeysane Sayid-cali lasoo xiriiro numberka gaaban ee 991, si loo horgeeyo cadaaladda, dilka Luul ayaa baraha bulshada ka dhaliyay hadalheyn xooggan, kadib markii uu baxsaday dilaaga gabadha gubay.