U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddoomiyey Shir Looga Hadlay Amniga Dalka, Isagoo Amar Bixiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Al-shabaab iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

 Guddoomiye Sheekh Aadan waxaana uu talisyadda Ciidamada Qalabka-sida gaar ahaan taliska Booliiska Soomaaliyeed ku amray in arxan laawayaashii geystay falalkaan ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo bini’aadanimadda lasoo qabto goob walba oo ay ku sugan yihiin, isla-markaana la horkeeno cadaaladda.