U bood dhigaalka

Madaxweynaha Namibia Hoggaaminayay 33 sano oo Geeriyooday

Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa ku geeriyooday isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek halkaas oo lagu daweynayay. Hagr ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 82 jir, dalkaan ayuu soo hoggaaminayay tan iyo markii uu qaatay xoriyaddiisa sanadakii 1990-kii uu dal noqday.

Geeridiisa waxa ku dhawaaqay Madaxweyne Kuxigeenka wadankaasi Nangolo Mbumba, wuxuu sheegay in geeridiisay ay sabab u tahay xanuunka Kansarka oo maalmihii ugu dambeeyay laga daaweynayay kaas oo ka haleelay, waxaana dalka oo dhan ka bilaabatay barooqdiiq madaxweynaha loogu baroordiiqayo.

Madaxweyne Geingob oo ah 82 jir ruug caddaa siyaasadeed, ayaa ka dhex muuqday siyaasadda Nambia tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay 1990, waxana muddaba laga daweynayay cudurka Kansarka, gaar ahaan kan ku dhaca qanjirka borostaatada, kaas oo ay ugu darsantay da’diisa, dunida ayaa ka hadlaysa.
Hage Geingob ayaa 3 August 1941 waxaa uu ku dhashay gudaha Namibia, waxaana uu yahay rugcadaa dhanka siyaasadda ah, dalkaan ayuu maamulayay tan iyo markii uu qaatay xoriyaddiisa oo laga joogo 34 sano, waxaana lagu amaanay inuu waxbadan ka qabtay dalkiisa mudadaas kooban oo caalamku qirayba.